nal
(m.l) (-lal, m.l)

1. Qalab dusha quraaradi kaga dahaarantahay oo iftiin bixiya marka korontadu soo gaadho. 2. Iftiinka korontadu dhaliso.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nal

na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.

laambad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qasac yar oo af dheer iyo dheg la qabsado leh oo la ifsado. 2. Nal.

baqtii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Nafley, nafta ka goyn. 2. Nal, raadiye, dab iwm damin. 3. Nafley xannaano darreyn. 4. Xoolo, ugaar iwm oo nafbaxaya gawrici waayid. ld bakhtii, bakhtiiji, baqtiiji.

caanalahar [m.dh]
Neef xoolaad oo ay adagtahay in caanaha laga dhammeeyo.

caanaley [m.dh]
ld caanooley.

caanallul [m.dh]
Cayayaan yar oo sida doorshaanka qolof adag leh oo inta hadba istaaga, salka dhulka la dhacdhaca.

caanallul [m.l]
ld caanolul; caanarrux, caanarruxato.

daardaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Dab, nal, dhawr jeer oo isu dhowdhow daarid. 2. Maagid; juqjuqayn; daandaansi.

daaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Wax shidasho (dab, nal, raadiyo,telefishan iwm). 2. Qof tartiib u taabasho.

daaweynta-fiisikaad [m.dh]
(daaw.) Qayb daaweyn oo lagu isticmaalo habab iyo qalab fiisikaad si loo daryeelo caafimaadka; waxaana la isticmaala: nal, fallaaraha ultrafayolet iyo infrareed, kul, koronto, riix-riixid, tuujin iyo ciyaaro waxtar ah.

n [m.dh] (na')
Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg