nambar
(m.l)

ld lambar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nambar

lambar [m.l] (-rro, m.dh)
Mid ka mid ah ah tiro taxane ah oo wax leeyihiin. ld nambar.

lambari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax lambar u yeelid. ld lambaree, nambaree, nambari.

lambarin [m.f.dh]
eeg lambari. ld lambarayn, lambaris, nambarayn, nambarin, nambaris.

lambarsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax lambar loo yeelay ahaansho. ld nambarsan.

lambarsanaan [m.f.dh]
eeg lambarsan. ld lambarsanaansho, nambarsanaan, nambarsanaansho.

madoorsoome [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
1. (xis.) nambar aan isbeddelin. 2. (fiis.) xiriirka ka dhexeeya laba xaddi ama ka badan tiro go'an oo aan isbeddelin ka soo baxdo isu qaybintooda ama isku dhufashadooda (X=c=4=4x2) b 2 2x2.

nambarayn [m.dh]
ld lambarin.

nambaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -reysay)
ld lambari.

nambari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld lambari.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg