nool
(m.l)ld nooli.
nool
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)Hantida inta aan moodka ahayn; duunyo la leeyahay.
nool
(m.l)ld noolaan.
nool
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-laa, -layd)1. Wax nafi ku jirto ahaansho. 2. Wax aan dansanayn ahaansho (dab). 3. Ku n.: wax qof noloshiisu ku xirantahay ahaansho. Tus. “Cali wuxuu ku noolyahay mushaharkiisa.”
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nool ↴
aakhiro [m.dh]
Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
ubaxley [m.dh (bot.)]
Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa
ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha
ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.
da' [m.dh]
1. ld da'aad. Inta sano, bilo, maalmo
iwm ee nafley jirto laga bilaabo maalintii uu dhashay; cumri. 2. D. ah: qof sanado badan jira; duq. 3. Dad hal casri wada nool. duq, da'aad
caabuqtire [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(baay.) Walax laga helo noolayaasha yaryar gaar ahaan mooldiska, kuwaas oo baabi'iya ama joojiya koritaan noolayaal kale oo ilima-aragtay ah
gaar ahaan bakteeriyada iyo fangiga
cudurrada faafiya. Caabuq- tirayaasha caanka ah waxa ka mid ah: beenasaliin, istarabtumaysiin iyo tetrasay-kalin.
qaabile-kiimikaad [m.l] (-layaal ..., m.l/dh)
(baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka
kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug
badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka
dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale
ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
raacato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad reer guuraa ah oo miyiga ku nool oo xoolo dhaqda.
raaciye [m.l]
1. Dad waddan ku wada nool inta maamulka haysa mooyaane inta kale oo la xukumo; shacbi. 2. Dad inta aan ciidan ahayn; rayid. ld raaciyad. raaciyad, rayid, shacbi
daabbadqaad [m.dh]
Nafley weyn oo badda ku nool.
gaadeeryo [m.dh]
1. Dheddigga goodirka. 2. Nooc ka mid ah deerada buuraha ku nool. 3. Nooc carmada ka mid ah.
haajir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Qof meeshii uu ku noolaa ka qaxid. ld haayir². haayir