noolaan
(m.f.dh)

eeg nool³. ld nool², noolaansho, nooli¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh noolaan

aakhiro [m.dh]
Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.

nabad-jeceyl [m.l]
(fals.) Dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda dagaallada oo loo adeegsado xallinta mashaakillada, uguna baaqa adduunweynaha nabad ku wada noolaansho.

raaqraaqin [m.dh]
Siima raaqraaqin: siima jirin, siima noolaan.

raaxayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Nolol raaxo leh ku noolaansho. 2. Nasasho; daaltirasho.

waar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Cimri aan dhimasho lahayn ku noolaan. 2. Wax muddo dheer jirid.

wada noolaansho [m.dh]
Isdhex gal ka dhex dhaca laba xayawaan ama laba sinji oo geedo ah, kuwaas oo wada nool, oo mid kamid ahi isdhex galkooda ka faaidaysanayo, ka kalena wax dhibaato ahi ka soo gaadhayn.

adamiyeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Nafley ugaarsi ku noolaan.

baraar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Barwaaqo, caafimaad iyo nabadgelyo ku noolaan.

ceesh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-shay, -shtay)
Nafley noolaansho. ld caysh².

dhaqan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qmay, -qantay; -qmi)
1. Nijaaso, wasakh iwm mayrmid. 2. Wax midab leh fasakhmid. 3. Haweeney gurigeeda si wanaagsan u maamulid. 4. Ku dh.: qalab, sharci iwm adeegsasho. 5. Ku dh.: guri iwm ku noolaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg