noole
(m.l) (-layaal, m.l/dh)

Wax kasta oo nool; noolayaashu way koraan, tarmaan iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh noole

bakhti-ku-baxe [m.l] (-xayaal, m.l/dh)
(baay.) Geed ama noole kasta oo ili-ma-aragtay ah ee quuta maatarka orgaanikada bakhtiga ah. Bakhti-ku-baxayaasha badankoodu waa bakteeriyo iyo fungi.

bakteeriya [m.dh] (-ayaal, m.l/dh)
(baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.

baradii-ku-noole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(baay.) Waxa lagu sharxaa noolaha dabeeco ahaan meel ku nool, ee aan la keenin meesha.

batoojin [m.l]
(daaw.) eeg noole jirro dhaliye.

biyood [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Degaan b. ama sinjiyo noole ah oo ku nool biyaha dhexdooda, dhir iyo xayawaan mid kastaba ha ahaadee.

boodh [m.l] (-dho, m.dh)
(baay.) Unug taran oo keligii kobci kara iyada oo aanu la kulmin unug kale oo taran b.ka waxa soo saara dhirta, fangiga, bakteeriyada iyo qaar ka mid ah borotosoowaha. B.ku wuxuu noqon karaa noole u eg waalidkii ama wuxuu mari karaa heer kale oo meerta nololeed.

borookaariyootig [m.l] (-gyo, m.dh)
(baay.) Noole walxaha hiddo-sidaha aanay ku xidhnayn bu'da unugga.

caanoole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Nin caanaha ka ganacsada.

caanooley [m.dh]
1. ld caanaddiiq 1. Haweeney caanaha ka ganacsata; (u) dad caanaha ka ganaacsada. 2. ld canaaley. Naasley.

cayayaandile [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-layaal, m.l/dh)
(kiim.) Walax kiimikaad loo isticmaalo in lagu dilo cayayanka ama nooleyaal kale oo waxyeelleeya miraha iyo geedaha kale oo la beeray.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg