noolow
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-laaday, -laatay)

1. Wax cumri dheer yeeshay noqosho (nafley). 2. Cid barwaaqoobid. 3. Ka n.: wax ka haqab beelid (cid). 4. Ku n.: cid wax kale nolosheedu ku xirantahay noqosho. 5. Ku n.: cid meel deggan noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh noolow

noolaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg noolow. ld noolaan.

nool [m.l]
ld nooli.

nool [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Hantida inta aan moodka ahayn; duunyo la leeyahay.

nool [m.l]
ld noolaan.

nool [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-laa, -layd)
1. Wax nafi ku jirto ahaansho. 2. Wax aan dansanayn ahaansho (dab). 3. Ku n.: wax qof noloshiisu ku xirantahay ahaansho. Tus. “Cali wuxuu ku noolyahay mushaharkiisa.”

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg