nud
(m.dh)

Meesha la iskaga xiro xarko, dun iwm.

nud
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)

Xarko, marooyin iwm isku xirid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nud

ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”. 2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid qofkaa?”.

baabila [m.dh] (-ooyin, m.l)
(baay.) Soobaxyo uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dub duleedka lafdhabarleyda, kuwaasi oo kordhiya halka ay iskaga yimaadaan laba nudood.

ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.

organ [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Qayb ka mid ah jidhka noolaha oo u khaas ah, inay qabato hal shaqo ama in ka badan. Tusaale, xayawaanka: dhegaha, indhaha, sambabada iyo kelyaha. Tusaale, dhirta: caleemaha, xididdada iyo ubaxa. Organku wuxuu ka koobanyahay nudo badan oo kala duwan.

beeryaro [m.l]
(c.daaw.) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u beesad dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.

cayddi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Nooc mallayga yaryar ka mid ah oo koox-koox isu raaca. 2. Ilmo. 3. Wax yaryar oo aan qayme lahayn. (baay.) Nudo geed oo ka kooban unugyo si firfircoon u qaybsamaya oo soo saara unugyo; unugyadaas oo u meesiyooba nudaha cusub ee geedka.

ciijiye-weyne [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(baay.) Unug ballaadhan oo ciijiye ah, oo caadi ahaan laga helo nudaha soo saara unugyada dhiigga.

daan [m.l] (-aaman, m.l)
(c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.

dareenwade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.)Xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dareenwadka dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka.

dhuun-limf [m.l]
(dhuumo ..., m.) (c.nafl) Dhuumo u eg aroorayaasha, kuwaasi oo limf ka soo qaada nudaha kuna shuba aroorayaasha waaweyn ee wadnaha gala.

n [m.dh] (na')
Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg