nuuradee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-deeyay, -daysay)

Wax nuurad marin. ld nuuriyadee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuuradee

tabaashiir [m.l]
(jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.

dhagax-nuuradeed [m.l]
(jool.) Dhagax ay muhiimtahay inuu ka koobnaado 50% kaalshiyam kaarbonayt.

dolmayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(jool.) Macdan ku dhow ili-ka-gudubtay oo ka kooban kaarboonayt laba luxdan oo ah kaalshiyam iyo magniisiyam; amase waa dhadhaab sida qaalibka ah loo yaqaan magniisiyam-dhagax nuuradeed oo macdantu tahay qaybta ugu mudan.

nuuradayn [m.f.dh]
eeg nuuradee. ld nuuriyadayn.

nuuriyadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
ld nuuradee.

tiirfoorara [m.l]
(jool.) Kolon walax macdaneed ah oo ka soo lulata bar kore, muuqaal ahaan waxay u egtahay ul-baraf, Tusaalaha ugu caansani waa didibka oo inta badan laga helo isagoo ka soo lusha dedka god dhagax nuuradeed.

nuurad [m.dh] (-do, m.l)
Maaddo midab cad leh oo laga helo dhagxaan si gaar ah loo gubay, dhismayaashana lagu dhisaa ama lagu caddeeyaa. ld nuuriyad, nuuriyo.

nuurad [m.dh]
(kiim.) Kaalsiyam.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg