ogeys
(m.l)

Qof arrin gaar ah aad u yaqaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ogeys

aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan

ogeysii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid xog u sheegid.

ogeysiin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ogeysii. ld ogeysiis (2). ogeysii, ogeysiis

ogeysiis [m.l]
1. War la rabo in cid loo sheego. 2. ld ogeysiin. ogeysiin

naadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax la rabo in dad badan la ogeysiiyo ku dhawaaqid. 2. Wax la rabo in la iibiyo qiimihiisa ku dhawaaqid.

naado [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Ogeysiis dad loo bandhigayo. 2. Bandhig iib oo tartan ku jiro.

iclaan [m.l]
War la sheego oo aad loo faafiyo oo dadka la wada garsiiyo; ogeysiis. ogeysiis

awaaji [m.l] (-iyo, m.dh)
Ogeysiinta akhbaar dad badan la ogeysiiyo.

awaaji [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Dad badan, akhbaar ogeysiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg