oodan
(m.l)

1. Qof ka dhashay qolo xoog iyo tiro badan. 2. Bawdka beerta. 3. Meel dhir badan leh oo mariddeedu dhibtahay. 4. ld oodmid.

oodan
(m.dh)

Ciyaarta shaxda oo aan meel laga soo galo lahayn.

oodan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-dmay, -dantay; -dmi)

1. Wax xirmay noqosho (albaab, xero iwm). 2. Arrin, hadal iwm wax naan meel haysan noqosho.

oodan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dnaa, -dnayd)

1. Xero wax la ooday ahaansho. 2. Qof aan waxba la dhacsiin karin ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh oodan

gaalis [m.l] (-syo, m.dh)
(xis.) Urur tirooyin ah ama baro ah oo ku yaalla habdhis kulan oo qeexaya dhammaan qiimayaasha u dhexeeya laba bar dhammaad. Haddii labada bar dhammaad ay jiraan g.ka waa gaalin oodan, haddii an ku jirinna waa g. furan.

oodmid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oodan³.

oodnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oodan4. ld oodnaansho.

qaanso [m.dh] (-ooyin, m.l)
(xis.) Qayb ka mid ah xood is-haysta. Haddii meeriska goobo ama xoodad kale oo oodan loo qaybiyo labaqaybood oo aan isle'ekeyn, labada qaanso midda dheer waa qaanso weyn, midda gaabanna waa qaanso yar. Labadooda waxa ay sammeeyaan lammaane qaansooyin oo xisti ah.

raadka footoodanabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Bixinta elektaroonno ee dusha biraha, marka lagu kaahiyo hirarka, birlabdanabeedka. Tirada elektaroonnada ee baxay waxa ay ku xiranyihiin itaalka kaaha.

xagal-adke [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
(xis.) Ratibidda saddex addimaale ka sammaysma dhammaan xarriiqyo bar ka soo unkama halka bar wadaag ah isla markaana dhex mara xood sallax oo oodan.

ood [m.dh]
1. Dhir la gooyey oo xero iwm lagu sameeyo. 2. Geed qodax leh.

ood [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Geed la gooyey xero ka samayn. 2. Xero, guri iwm afka ka daboolid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg