oodkac
(m.l)

Hilib yaryar oo shiilan oo keyd gala; muqmad.

oodkac
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-cay, -cday; -kici)

Hilib muqmad ka dhigid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh oodkac

oodkacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
Wax oodkac laga dhigay ahaansho (hilib).

oodkacasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oodkaco.

oodkacnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oodkacan. ld oodkacnaansho.

oodkacnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld oodkacnaan.

oodkaco [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-cay, -cday)
Hilib oodkac ka dhigasho.

oodkicid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oodkac².

tabatabbo [m.dh]
Weel baaquli u eg oo ka samaysan argeeg, dushana aleel looga sharxay oo subagga, oodkaca iwm lagu shubto.

collob [m.dh]
1. Hilib si yaryar oo oodkaca ka waaweyn loo jaro oo subag lagu shiilay ku jira. 2. Oodkac. ld coldhob, locob.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg