ori
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

1. Kor u dhawaaqid. 2. Cod dheer ku heesid. ld orri.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ori

kaalori [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
(fiis.) K. halbeeg. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu heerkulka 1 garaam oo biyo ah kor u qaado 1° C (1° K). Halbeegga kaalori beryahan looma adeegsado xisaabinta fisikaad, waxana la qaataa Juul. 1 kaalori =4.1868 juul.

maandoori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid maankeeda beddelid.2. Qof sakhraamin.

maandoorin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maandoori.

maandooriye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iwm; mukhaddaraad.

okori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley meel dedan roob ka gelin.

okorin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg okori.

ontorid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ontor².

oori [m.dh] (-iyo, m.l)
Haweeney la qabo; afo.

ooriyo [m.dh]
Hanti ganaax ahaan looga qaado nin mehersaday gabadh nin kale u dooneyd.

saafid-kolorimitrieed [m.dh]
(fiis.) Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.

o [m.dh]
(o') Xarafka shan iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga ah, waana shaqal.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg