ormo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Koox. ld hormo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ormo

hormo [m.dh]
1. ld Horin; ormo. 2. ld horayn.

hormoggal [m.l]
(xis.) Isku xiridda saddex ama dhowr kutirsane oo uu u dhexeeyo xisaabfal labaale (*), taas oo natiijada aan ku xirnayn sida loo kooxeeyo lammaneyaasha kutirsaneyaal. Isugeynta iyo iskudhufashadu waa xisaabfallo hormoggala, kalagoynta iyo isuqaybintuna ma hormoggalaan.

hormoon [m.l]
(baay.) Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.

hormosalaad [m.l]
Ku soo yaacidda meel wax yaalliin ama wax ka dhaceen lagu soo yaaco. ld qamaan¹.

hormosalaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Meel ay wax yaalliin ama wax ka dheceen ku yaacid. ld qamaan².

hormosalaadid [m.dh]
eeg hormosalaad². ld qamaamid.

qormo [m.dh]
1. Habka geedaha, dhagxaanta iwm looga qoro qalab la isticmaalo. 2. (-ooyin, m.l) Qoraal yar oo koobaya ujeeddo gaar ah. 3. Habka loo dejiyo qoysaska reerka.

or [m.l] (orar, m.l)
Cod wada jir ah oo dad meel fog jooga ka yeera.

or [m.l] (orar, m.l)
1. Dhar; maro. 2. Calal. 3. Bulka cawsa meyrada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg