oroob
(m.l)

Socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba.

oroob
(m.dh)

Socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, kuna qaadata muddo aan ka yareyn bil.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh oroob

ooroobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oorow.

goob [m.dh] (-bo, m.l)
1. Meel bannaan oo lagu soo bandhigo ciyaaraha. 2. Wax qeyb qeyb u yaalo middood. 3. Meesha ay herintu degto marka ay oroobka tahay. 4. (riw.) Meesha lagu sameeyo masraxi-yadda.

hanna [m.dh]
Dembi ah wax ka baxsan ballannada herinta ama xeerka qofkii ku xad gudba ayaa la yiraahdaa (hannaa gashay) waxaana ugu culus, u galmoodka naageed inta ugaarsiga lagu jiro ama loo tabaabushaysanaayo, siiba waqtiyada oroobka.

qoroqoroobid [m.f.dh]
eeg qoroqorow.

xoroobid [m.f.dh]
eeg xorow.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg