qaab
(m.l) (-bab, m.l)

1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah. 4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir. hab

qaab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

ld qaabi. qaabi

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaab

da'aa [m.l (c.cimi.)]
Sida cilmiga cimiladu uu sheegayo, waa biyaha qaabkoodu dareere ama adagyahay, oo dhulka uga yimaada xagga gibilka.

qaaban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
1. Wax qaab loo yeelay noqosho. 2. Wax fadhi badan ku curqay noqosho. ld qaabi (1). qaabi

qaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax qaab loo yeelay ahaansho.

qaabbil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Docda wejiga ah oo soo jeedda. 2. Cid ka hor imaad, soo dhoweys. 3. Qaabbilkayga: hortayda, tooskayga. hortayda, tooskayga

qaabbil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Cid la kulmid. 2. Cid la shirid, cid soo dhoweyn.

qaabbilaad [m.dh]
Kulan laba qof ama ka badan dhex mara.

qaabbilid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaabbil(2). qaabbil

baabbaca-caleen [m.dh] (-eemo, m.l)
(baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c.yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg