qaabbil
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Docda wejiga ah oo soo jeedda. 2. Cid ka hor imaad, soo dhoweys. 3. Qaabbilkayga: hortayda, tooskayga. hortayda, tooskayga

qaabbil
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ilay, -ishay)

1. Cid la kulmid. 2. Cid la shirid, cid soo dhoweyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaabbil

qaabbilaad [m.dh]
Kulan laba qof ama ka badan dhex mara.

qaabbilid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaabbil(2). qaabbil

qaabbilo [m.dh]
Maalinta uu dirirku la fadhiyo dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay maalin cawo leh.

qaabbilsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof wax u qaybsan ahaansho. 2. Wax, wax kale ku aaddan ahaansho.

qaabbilsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaabbilsan. ld qaabbilsanaansho. qaabbilsan, qaabbilsanaansho

qaabbilsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qaabbilsanaan. qaabbilsanaan

qaabbilsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Wax, wax kale ka horgeyn.

qaabbilsiin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaabbilsii. qaabbilsii

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg