qaabbilsan
(Fal Gudbe4 | Verb Transitive4) (-naa, -nayd)

1. Qof wax u qaybsan ahaansho. 2. Wax, wax kale ku aaddan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaabbilsan

qaabbilsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaabbilsan. ld qaabbilsanaansho. qaabbilsan, qaabbilsanaansho

qaabbilsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qaabbilsanaan. qaabbilsanaan

afyaal [m.l]
1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan. 4. Oodafo. 5. Mir ka duwan iniinaha tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.

boliis [m.l]
Ciidan nabadgelyada gudaha ee dal qaabbilsan. ld bileys, biliis, booliis, buliis.

carrab [m.l] (-bo/-byo, m.dh)
1. Xubin jilicsan oo ku jirta afka nafleyda oo qaabbilsan dhadhanka, calaliska, liqida iyo kala soocidda hadalka. 2. C. ku dhufasho: carrabbaabid. 3. C. macaan: hadal macaan.

ciidan [m.l]
1. Qof, cid hawl u qabto ijaarna ka qaata. 2. (-ammo, m.dh) Xoog abaabulan, hubeysan oo qoran u qaabbilsan difaaca dalka. 3. (e.d) C.amow!: hayaay!, waawareey!.

dabdamis [m.l]
Ciidan qaabbilsan la dagaalanka dabka. ld debdemis.

farbarasho [m.dh]
1. Barashada qoridda iyo akhrinta ee af. 2. Aqoonta qaabbilsan qurxinta habka qoridda.

gaashaandhig [m.l]
1. Quwadda dal u qaabbilsan in ay ka difaacdo cadowga dibadda. 2. ld gaashaandhigid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg