qaabdarro
(m.dh)

Qaab xumaanta ay wax leeyihiin; qaabxun. ld qaabdarri. qaabdarri, qaabxun

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaabdarro

qaabdarri [m.dh]
ld qaabdarro. qaabdarro

cag-qoolaaban [m.dh]
(daaw.) Qaabdarro cageed oo lagu dhasho saameyn kartana hal cag ama labada cagoodba taasoo qofka qaba uusan cagta cad wada dhig karin dhulka. Nooca ugu badan (Talipes Equinovaris) lugtu waxay u godontahay hoos waxayna u qalloocantahay gudaha sidaas darteed qofka qaba wuxuu u socdaa girgirka dibadda xiga ee dusha cagta.

candhaaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Si kala daadsanaan iyo qaabdarro ah u fadhiyid (qof).

lagu-dhasho [m.l]
(daaw.) Xaalad qaabdarro ama cudur oo qofka ku dhasho qaabdarrada lagu dhasho waxay isugu jiraan cudurrada la dhaxlo iyo kuwa bey'addu keento.

qaybta lafaha [m.l]
(daaw.) Aqoonta ama ka shaqeynta toosinta qaabdarro uu keenay cudur ama waxyeello kale oo lafaha iyo xubno is goysyada ku dhaca.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg