qaabi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax qaab u yeelid. 2. Caano qaab ku darid. ld qaab², qaaban¹ (1). qaab, qaaban
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaabi ↴
qaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
ld qaabi. qaabi
qaaban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
1. Wax qaab loo yeelay noqosho. 2. Wax
fadhi badan ku curqay noqosho. ld qaabi
(1). qaabi
qaabid [m.dh]
ld qaabin. qaabin
qaabile-kiimikaad [m.l] (-layaal ..., m.l/dh)
(baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka
kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug
badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka
dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale
ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
qaabin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaabi. ld qaabid. qaabi, qaabid
qaabis [m.l]
1. Garoorinta la garooriyo caano la
doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor
ah.
ureed [m.l] (-dyo, m.dh)
(baay.) Dareenka urta ama dariiqadda wax lagu uriyo; tani oo lagu helo qaabilayaasha urta ama qaabilayaasha ku jira organnada ureed, sida sanka, kuwaas oo xasaasi u ah hawada ama kiimikooyinka ka dhasha biyaha. Nashaadinta qaabilayaashaasi waxay sababtaa inay u gudbiso wararka maskaxda iyaga oo sii maraya dariiqa dareen wadaha ureed.
akademiye [m.l]
1. Maamul ka kooban aqoonyahanno oo loo xilsaaray kor u qaadidda aqoonta, fanka iyo dhaqanka bulshada. 2. Dugsi sare oo qaabilsan carbiska ciidamada. ld akademiyo.
baashir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Si wanaagsan oo farxad iyo reyn-reyn leh qof u qaabilid.