qaac
(m.l)

Uumi daruur la moodo oo wax gubanaayo ka soo baxa oo hawada ku baaho. ld qiic¹, qiiq¹ (2), qiiqaab¹.

qaac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday)

Wax gubanaayo qaac bixin. ld qiic², qiiq², qiiqaab².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaac

qaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax qaac ka keenid. 2. Haruub qaac ku kululeyn. 3. Ka q.: ruuxaan ka shidid (cid). ld qiici, qiiqi.

qaacid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaac². ld qiicid, qiiqaabid, qiiqid.

qaacido [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Saldhig xoog leh oo militari. 2. Xeer kooban oo maaddo cilmi ahi ay leedahay.

qaacin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaaci.

qaangal [m.l]
Dhigashada waajibka oo qaacelin ah. ld qaangelid.

badeecad [m.dh] (-do, m.l)
1. ld badeeco. Alaab loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee ku jirta saxanka afkeeda daboola.

dhardhaar [m.dh] (-rro, m.dh)
(xis.) Weedh ama hawraar loo qaatay run iyada oo aan la caddeyn, taas oo laga sii diiri karo weedho ama aragtiyo kale. Marka xisaabi la caddeynayo dhadhaarradu badanaaba waxa ay yihiin qaacidooyin la yaqaan oo sidooda loo qaato, maxaa yeelay caddeyntooda ayaa hore loo dhisay.

hunqaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Mantagid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg