qaamow
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-oobay, -owday; -oobi)

Qof qaan galay noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaamow

qaamoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaamow.

qaamowqanshiir [m.l]
Cudur ku dhaca qanjirada oo barariya in muddo ah; camanbafuufi.

qaamowqanshiir [m.l]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo ku dhaca caruurta da'dodu u dhaxyso shan (5) ilaa shan iyo toban (15). Bararka qanjirka calyada oo ku yaal daanka hoose dadabiisa ee labada dhinacba, waxa ka horreeya: qandho, madax-xanuun iyo matag bararka labada qanjir way kala hormaraan mararka qaarkoodina mid keliya ayuu cudurku ku dhacaa.

teeriyotambuur [m.l]
(daaw.) Cudur ku dhaca qanjirrada dhuunta oo barariya; qaamow-qanshiir.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg