qabyaalad
(m.dh)

Nidaam siyaasadeed oo ku salaysan dhaqanka qabiilka; kala qaybinta ummad loo kala qaybiyo qoloqolo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabyaalad

bargaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Nafley muuqaalkeed garasho. 2. Fal eex iyo qabyaalad ka muuqato cid wax ugu samayn.

qabiili [m.l] (-iyo/-iyiin, m.dh)
1. Qof qabyaaladda aad u daneeya oo ku dhaqma. 2. Qof qabiil tiro badan ka dhashay.

qabyaaladayn [m.f.dh]
eeg qabyaaladee.

qabyaaladee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
Nidaam qabyaaladeed qof kula dhaqmid; qof qabyaalad darteed uga eexasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg