qabyo
(Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate)

Q. ah: wax aan dhammeystirneyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabyo

ebi [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-byay, -biday; -byi)
Hawl hore loo billaabay ama qabyo ahayd dhammaystirid.

dhammaystir [m.l]
1. Wax qabyo, lagu ebyo. 1. ld dhammaystirid.

dhammaystir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax qabyo ah ebyid.

inta [Falkaab | Adverb]
1. Erey tixda qaarkeeda hore ama danbe had la'aan iyo ulajeeddo qabyo ah u yeela una baahi geliya ereyo kaloo caddeeya. Tus. “Inta (aad) dugsiga tagtid, ardayga soo wad”, “Lacagtaan inta (uu) qaado, cunno ha soo gado”. 2. Halka, meeshaan, kobtaan.

israaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax aad u jecleysasho. 2. Qof dhaawac ah dilid. 3. Qabyo dhammaystirid. 4. Qoryo shidmaya afkooda isugeyn.

qabyoobid [m.f.dh]
eeg qabyow.

qabyow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax qabyo ah noqosho.

qayaayo [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
1. Q. ah: wax qabyo ah oo waxa ka dhimani ay iin u yeeleyso. 2. Faro, ilko iwm oo is dulsaaran.

qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.

qab [m.dh] (-bo, m.l)
1. Bir dugaagga lagu dabo; birshabeel. 2. Labo shay isku dhacay dhawaaqooda. 3. Belo lamafilaan ah oo si kedis ah ku dhacda.

qab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax mulki ahaan u haysasho. 2. Naag lahaansho. 3. Fikrad iwm si u aaminid. 4. Jirro, cuqdad iwm qof ku dhicid. 5. Dhar iwm xirnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg