qadaad
(m.l) (-dyo, m.dh)

Madaxa docdiisa dambe; jeego.

qadaad
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)

Koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qadaad

dawaad [m.dh]
1. Khad. 2. Weelka khadda lagu shubto. 3. Madow khadka u eg oo awrka qoorka ahi ku yeelato qadaadka. ld tawaad.

jeego [m.dh] (-ooyin, m.l)
Madaxa dadka xaggiisa dambe; qadaad.

jidir [m.dh]
Madow khad u eg oo awrtu qadaadka ku yeelato marka ay qooqdo; dawaad; tawaad.

maddaad [m.dh]
1. Khad; dawaad. 2. Awrta waaweyn siiba kuwa qooqan madowga ay ku yeeshaan qadaadka. ld middaad.

maskaxyaro [m.dh]
1. Maskaxda qaybteeda dambbe ee qadaadka ku taal. 2. ld maskaxyari.

qadaadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Koor wax la qadaaday ahaansho.

qadaadid [m.f.dh]
eeg qadaad².

qadaadnaan [m.f.dh]
eeg qadaadan. ld qadaadnaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg