qadaf
(m.l)

Aflagaaddo weyn oo qof sharaftiisa lagu dhaawacayo.

qadaf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-dfay, -daftay; -dfi)

Aflagaaddo weyn oo qof sharaftiisa lagu dhaawacayo u jeedin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qadaf

aflaggaaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Hadal qadaf ah oo cid lagu yiraahdo.

caro [m.dh]
Dareen qofka ku dhasha oo shucuurtiisa kiciya marka xumaan ama qadaf lagu sameeyo.

cay [m.dh]
1. ld caay 1. Hadal ama fal qadaf ah oo cid loola jeedo. 2. God, shabaq, siriq ama bir iyo dabin kale oo loo dhigo ugaarta si ay ugu dhacdo. 3. Geedaha beerta laga guro oo inta la aruuriyo la gubo.

cay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1]
(caayay, cayday; caayi) Hadal ama fal qadaf ah cid u jeedin. ld caay².

guro [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. (f.g) Wax meel yaal ka qaadasho. 2. (f.g) Miro geed ka goosasho. 3. (fg.) Cunto iwm weel ka baxsasho. 4. (f.mg) Kala g.: wax lagu tartamayey kala badin waayid. 5. (f.mg) Kala g.: waxyaalo isku dhex jiray kala saarid. 6. (f.mg) Kala g.: col is-hor fadhiya dib u kala qaadasho. 7. (f.mg) La g.: hadallo qadaf ah isdhaafsasho. 8. (f.mg) Dib u g.: si tartiib ah xeeladi ku jirto gadaal ugu noqosho.

qadfid [m.f.dh]
eeg qadaf².

qardoofee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
1. Cid dhaawac aan weynayn gaarsiin. 2. Cid hadal qadaf ah ku dhigid.

qardoofo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhaawac aan weyneyn. 2. Hadal qadaf ah.

qad [m.l]
Labaq., saddexq. iwm: xoolo aan biyo cabbin laba maalmood, saddex maalmood iwm.

qad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Wax la qaybsanayey wax ka waayid. 2. Cuntocunid la'aan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg