qafilan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)

Wax qafil ku xiranyahay ahaansho. ld qufulan, qunfulan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qafilan

taangi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Weel bir ah oo baabuurta ku rakiban oo biyaha, baasiinka iwm lagu shubo. 2. Nooc baabuurta qafilan ee dagaalka ka mid ah.

dabbaabad [m.dh] (-do, m.l/-baad, m.dh)
Baabuur qafilan xabbadda candiga ahi aanay karin oo lagu dagaallamo.

dhooli [m.dh] (-iyo, m.l)
1. Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado; wasaasin. 2. Baabuur qafilan oo dad jirran ama dhaawaca ah lagu qaado.

qafilnaan [m.f.dh]
eeg qafilan. ld qafilnaansho, qufulnaan, qufulnaansho, qunfulnaan.

qufulan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
ld qafilan.

qunfulan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
ld qafilan.

qafil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Shey bir ka samaysan oo gacan yar oo qoolaaban iyo duleel yar oo uu furaha galo leh, oo faseexadda albaabka, sanduuqa iwm lagu xiro. 2. ld qafilid. 3. quful ¹, qunful¹.

qafil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
Albaab, sanduuq iwm faseexaddooda qafil ku xirid. ld quful², qunful².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg