qafis
(m.l)

ld qafas (1).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qafis

feedh [m.dh] (-dho, m.l)
(daaw.) Mid ka mid ah lafaha dhuudhuuban oo xoodan, kuwaas oo sameeya qafis daboola ilaaliyana wadnaha iyo sambabada. Feedhuhu waxay u samaysanyihiin lammaane ku xidhan taxanaha lafdhabarta xammaaratada, shimbiraha iyo naasleyda) ilaa iyo kalxanta oo xagga hore ah.

lixle [m.l]
1. Xaashi turub oo lix dhibcood leh. 2. Buntuq qafiskiisu qaado lix xabbadood.

qafas [m.l]
1. (-syo, m.dh) ld qafis. Sanduuq shabaq ka samaysan oo shimbiraha, ugaadha iwm lagu hayo. 2. Qasac yar oo maar ah, qaada tiro xabbado ah oo buntuqa, bistooladda iwm la geliyo.

qafish [m.dh]
Nooc kalluunka ka mid ah oo diilimo cad iyo guduudan leh.

sambab [m.l] (-bbo, m.dh)
(c.nafl.) Xubimta neefsashada ee lafdhabarleyda hawada ku neefsata. Lammaane sambab ah ayey ku leeyihiin saabka qafiska feedhaha dhexdooda. Mid kasta waxa uu ka kooban-yahay xuub yar oo qoyan kaas oo u laa-laaban si uu u kordhiyo bedka dusha.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg