qalaad
(m.l)Cida orgiga marka uu riyaha orgeynayo.
qalaad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)Orgi qooqan ciyid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qalaad ↴
bacaac [m.dh]
1. Qalaad. 2. B. ah: qof nacas ah.
banki [m.l] (-iyo/bunuug, m.dh)
Maamul xafiisyo leh oo lacagta lagu keydiyo ama layska amaahiyo, fuliyana adeegyo maaliyadeed sida sarrifka lacagaha qalaad, xawaaladaha gudaha iyo dibadda iyo furidda ictimadyada. ld bangi.
beeryaro [m.l]
(c.daaw.) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u beesad dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.
dalaabid [m.dh]
1. ld dalow 1. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw².
dub-soohdin [m.l]
(fiis.) Lakab khafiif ah ee dareere oo ku samaysan oogada walax adke ah, taas oo dareeraha uu lakabku ka samaysanyahay uu socdo. Xoogga qalaad isjiidadka ayaa sababa in molikiyuulada dareeraha ee ugu dhow adkuhu ayna dhaqaaqin oo ay taagnaadaan, marka loo eego dareeraha ay ka midka ahaayeen.
lid-jidh-dhaliye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab is kabaxeed.
lid-jidh-gale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(baay.) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.
qal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.