qalbi
(m.l)(quluub, m.dh) 1. Laab; kal. 2. Xasuus.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qalbi ↴
laab [m.dh]
1. Jirka dadka soo jeedka inta u
dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad.
2. Qalbi; niyad. qalbi, niyad, xabad
haami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax si aad ah loo jecelyahay qalbi ku hayn.
maahsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho.
uurxaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Qof aan cidna xumaan qalbiga ugu hayn ahaansho.
alkohooliisam [m.l]
(daaw.) Xaalad bukaansho ka timid u barashada aalkohoolka ee qofka, taas oo haddii si kadis ah looga joojiyo keeni karta calaamado: sida gariir, xasilloonila'an, halluujineeshinis iyo qalbi jab.
bellaagra [m.l]
(daaw.) Cudur nafaqoxumo ama nafaqodarro oo ay keento la'aanta ama kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo ka sameysan “nikotiinika asidh”. Astaamaha: maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban iyo qalbixumo ama qulub.
cindi [m.l]
Niyad; qalbi.
fahmajab [m.l]
Dareenka ku dhaca qof wax weyn filanaayey oo waayey; niyadjab, qalbijab.
hammajebis [m.l]
ld qalbijebin.
hanqaare [m.l]
1. Xiiqid. 2. Qalbijab. 3. Wax si aan habboonayn loo qaado.
qal [m.l] (-lal, m.l)
Labada fuq ee afka middood; daan.
qal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.