qosol
(m.l)Cod gaar ah oo ay dadku sameeyaan marka ay faraxsanyihiin iyagoo ilkaha caddaynaya.
qosol
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-slay, -soshay; -sli)1. Ilkacaddayn, iyo cod isku darid farxad awgeed. 2. Ku q.: cid ku jeesjeesid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qosol ↴
maadeys [m.l]
1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol
leh. 2. ld maadeyn. maadeyn
daado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
1. Wax meel ku jiray qubasho. 2. Qosol la d.: ilaa laga ilmeeyay qoslid (dad badan).
bulxan [m.l]
Cod nafley badani isku darto oo farxad iyo qosol leh.
bulxan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Nafley badan cod farxad iyo qosol leh samayn.
dhoolbir [m.l]
1. Qosol yar oo ilka caddays ah; dhoolla caddeys. 2. ld dhoolbirid.
dhooldillaac [m.l]
1. Qosol yar oo ilka caddays ah; dhoolla caddeys. 2. ld dhooldillaacid.
dhoolkaqosol [m.l]
Ilka caddayn; muusood.
kaftan [m.l]
1. Hadal aan xumi lahayn oo qosol leh oo laba qof ama ka badani isdhaafsadaan. 2. ld kaftamid.
manqax [m.l]
1. ld manqaxi. Qosol badan iyo cayaar. 2. ld manqixid.
qosli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka q.: cid qosol ka keenid. 2. Ka q.: cid ka farxin.