raalliggeli
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Cid wax ay raalli ku noqoto u sameyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raalliggeli

raalliggelin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raalliggeli.

raalliggelin [m.dh]
Ficil aad qofka ku siinaysid, waxa uu rabo si uusan wax kuu yeelin ama kaaga xumaan.

masayrtir [m.l]
Hanti la siiyo naag masayrsan si loo raalliggeliyo.

masayrtir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
Haweenay masayrsan hanti siin si loo raalliggeliyo.

qanac [m.l]
1. Raalliggelin, maqsuudin. 2. Kadhaadhicin, aaminaad. 3. Q. badan: qof wax yar ku qanca.

xeerka kala-hormarinta [m.l]
(xis.) Xeer ku saabsan isku xiridda laba kutirsane ee u dhexeeya xisaabfal labaale ah. Taas oo jawaabtu aan ku xirnayn sida loo kala hormariyo kutirsanayaasha. Sida: a*b = b*a. Xisaabfallada isugeynta iyo iskudhufashadu waxa ay raalliggeliyaan heerka kala hormarinta, haseyeeshee, isuqaybinta iyo kalagoyntuna ma raalligeliyaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg