raani
(m.dh) (-iyo, m.l)

Warqad turub, ranka ka tirsan oo boqoradi ku sawirantahay. ld raaniyad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raani

raabacad [m.dh]
Cayaar turub (dabaka-eri)marka saddex raani baxdo tan afaraad ee harta.

raaniyad [m.dh]
ld raani.

karaaniyam [m.l]
(c.nafl.) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. Waxay ka samaysantahay dhowr lafood oo balbal-laadhan oo isdhexgalay, oo ay u dhexee-yaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.

karraani [m.l] (-iyo, m.dh)
Qof xafiis, dukaan iwm ka shaqeeya oo wixii qorid u baahan qora.

nasraani [m.l] (-iyiin, m.l)
(dii.) Qof sheegta inuu haysto diinta nebi Ciise.

nasraaninnimo [m.dh]
Nasraani ahaansho.

qulaan [m.l] (-aammo/-nno, m.dh)
1. Weel naas ama ib leh oo dadka aan wax cabbi karin wax lagu cabsiiyo. 2. Warqadaha turubka mid ka mid ah oo wiil ku sawiranyahay oo u dhexeeya raanida iyo tobonlaha.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg