raarici
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax meel sare ka soo laallaadin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raarici

laallaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax meel sare ka raaricin.

raarac [m.l]
1. R. ah: meel hoobad ah. 2. ld raaricid.

raaricid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raarac². ld raarac¹ (2).

raaricin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raarici. ld raaricis.

raaricis [m.l]
ld raaracin.

dhegraarici [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U dh.: qof si fiican u dhegaysasho.

dhegraaricin [m.f.dh]
eeg dhegraarici.

hayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Wax ku dhegid. 2. (f.g) Wax gacan ku hayn. 3. (f.mg) U h.: wax, wax u malayn. “Cali waxaan u haystaa in uu wanaagsanyahay”. 4.(f.mg) U h.: cid wax u qabsasho. 5. (f.mg) Isu h.: cid wax aanay ahayn ismoodid. 6. (f.mg) La h.: cid xiriir fiican la yeelasho. 7. (f.mg) La h.: hees, war iwm dhegeysigooda dhegta u raaricin.

raari [m.l]
1. Nooc bariiska ka mid ah oo ka baxa waddanka Barma. 2. Meel dhir dhaadheer oo badan leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg