raas
(m.l) (-sas, m.l)

1. Qoys. 2. Meel qoys degi karo. 3. ld raasi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raas

faa'iido [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Munaafacaad dheeraad ah oo wax loo hawl galay laga helo. 2. Badeeca marka la gado, inta raasumaalkii hore ku kororta. ld faa'ido, feydo¹. faa'ido, feydo

raansow [m.l]
ld raasow.

raasammaal [m.l]
1. Hantida asaasiga ah ee ganacsi lagu bilaabo; lafo. 2. Hanti qof leeyahay. ld raasumaal.

raasammaali [m.l] (-iyiin, m.dh)
Qof hanti badan leh. ld raasummaali.

raashin [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Cuntada daruuriga ah ee dadku ku nool yahay; gasiin.

raasi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Dhul dhuuban oo badda aad u dhex gala. 2. ld raas (3).

raasow [m.l]
(bot.) Nagaar laamo jilicsan iyo caleen dhuudhuuban leh oo marka la kariyo caleemihiisa dadku cunto ahaan u cunaan. ld raansow.

raasummaal [m.l]
ld raasammaal.

raasummaali [m.l]
ld raasammaali.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg