raashin
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

Cuntada daruuriga ah ee dadku ku nool yahay; gasiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raashin

saad [m.l]
1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.

ardooyin [m.l.w]
Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo udug iyo raashin; fiqiburaale; wadaaddo.

barbax [m.l]
1. Xilli kulul oo biyo iyo baadba ciriiri yihiin. 2. Wax looga baxo dhibaatada xilli kulul sida baad, raashin, biyo. 3. ld barbixid.

beeg [m.l]
1. ld beegmo. Raashinka la cuno, sida badarka, sonkorta, timirta iwm cabbirkooda. 2. ld beegid.

beego [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
Suus, madaal, shood iwm raashin ku miisasho.

bixiye [m.l]
Fandhaal weyn oo dabo dheer leh kana samaysan qori oo raashinka lagu gurto.

fadfad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Jir nafley humbuluuluqid. 2. Raashin karaya tiqid.

garaamme [m.l]
1. Kiilo kun meelood loo qaybiyey meel ka mid ah. 2. Raashin, hal meel xaq u leeyahay. ld garaam, garaammo, garaa.

hoyaad [m.l]
1. Xilliga xoolaha iyo dadkuba ku soo uruuraan hoygooda (fiidkii). 2. H. ah: nafley u socota meeshii ay ku hoyan lahayd. 3. Raashin ay cidi habeen cunto.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg