raasi
(m.l) (-iyo, m.dh)

1. Dhul dhuuban oo badda aad u dhex gala. 2. ld raas (3).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raasi

raas [m.l] (-sas, m.l)
1. Qoys. 2. Meel qoys degi karo. 3. ld raasi.

araasi [m.l]
Orod iyo ci'uu sameeyo sac dhalay marka uu u soo socdo dhashiisa. ld insaarax¹.

araasi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Sac markaa dhalay meeshi uu dhashiisa ku ogaa aadid isagoo orod iyo ci'sameynaya. ld insaarax².

araasiyid [m.dh]
eeg araasi². ld insaarixid.

faraasilad [m.dh] (-do, m.l)
Shay wax lagu miisaamo oo culayskiisu u dhigmo 16 kiilo ama 28 rodol. ld faraasilo.

faraasilo [m.dh] (-ooyin, m.l)
ld faraasilad.

waraasi [m.dh]
1. Midab cawl ah oo lo'du yeelato. 2. Caano dhay ah, cabbaar yiil oo xoortii ka dhacday, labeenna soo yeelanaya. ld waraase.

Baraasiil []
eeg Barasiil Barasiil

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg