raawi
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)

1. (f.g) Bir si ay u simanto garaacid. 2. (f.mg) Si isla helid ah sacab u tumid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raawi

raawin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raawi. ld raawis¹ (1).

raawis [m.l]
ld raawin; ld raawisid(2).

raawis [m.l]
Mindi iwm gabowday oo aan wax goyn karin. ld saawir.

raawis [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Gaadiid-badeed majare u toosin.

raawisid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raawis³. ld. raawis¹ (2).

raawisnimo [m.dh]
Mindi raawis ahaansho. ld saawirnimo.

daraawiish [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba. 2. Qayb ka mid ah Ciidanka booliiska oo qaabilsan amniga reer guuraaga. 3. eeg darwiish.

karaawil [m.l]
Afarta nooc ee turubku u kala baxo mid ka mid ah.

khamraawi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-iyaal, m.l/dh)
Xargaha shiraaca haya midkood.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg