raaxo
(m.dh)

1. Nolol aan dhib lahayn. 2. ld raaxayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raaxo

raaxayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raaxee. ld raaxo (2).

raaxaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax raaxo ku jiro ahaansho.

raaxayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Nolol raaxo leh ku noolaansho. 2. Nasasho; daaltirasho.

raaxee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-xeeyay, -xaysay)
1. U r.: cid nolol raaxo leh ku noolaysiin. 2. U r.: qof niyaddiisa farxad gelin.

dangiig [m.l]
1. Jiif raaxo leh dhabarku hooseeyo; xusullaysi. 2. ld dangiigid. ld dingiig¹.

dhib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Nafley raaxo la'aan badid.

janno [m.dh]
Meel raaxo badan leh oo Eebbe dadka wanaagsan ku abaalmariyo.

kifaax [m.l]
1. Hawl qabashadeeda ama wax hanashadooda loo dagaallamo; halgan. 2. Raaxo.

koore [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Shey badanaa idiin (harag la megdey) ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg