raay
(m.dh) (-yo, m.l)

1. Xiniin. 2. Dad wada dhalasho ka dhaxayso laan ka farcantay; jilib.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raay

raayo [m.dh]
1. Daruur yar oo markaas di'id bilaabaysa. 2. Xiniiniyo.

febraayo [m.dh]
Bisha labaad ee sanadka miilaadiga ah.

maraay [m.l]
ld maraa.

meraayo [m.dh]
Xul. ld miraayo.

miraayad [Magac Dheddig | Noun Feminine]
ld muraayad.

miraayo [m.dh] (-ooyin, m.l)
ld meraayo.

muraayad [m.dh] (-do, m.l)
1. Cad dhalo ah oo inta dhinac laga mariyo dheeh lacageed iwm layska arko; madarad; beladdaye. 2. (m.w) (-do, m.l) Laba dhalo oo si ah loo farsameeyey oo ku dhex jira bir ama caag wareegsan oo indhaha la gashado,si loo saxo indho arag diciif ah leh, ama looga celiyo nuurka xooggan ee qorraxda; okiyaale. ld miraayad, miraayo, muraayo.

muraayo [m.dh]
ld muraayad.

qoortool [m.l]
Nafley lab oo hal xiniin ah (muqaal ahaan); raaytool.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg