rab
(m.l)Qarka meesha ugu sarreysa oo aan la fuuli karin.
rab
(m.dh)Meel; kob.
rab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)Wax niyadda ka jeclaysasho.
Rabis:(say_tay)*
- Meel ama wax aad qabo isla hayd dib uga dhac.Id habsan;habsaamid.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rab ↴
aabo [m.l]
Dareen naxariis, rabitaan iyo
xurmayn leh oo qof qof kale u hayo. eeg aabbo, aabbe.
gaabi [m.dh]
Qiyaas dheerer oo intii laga rabay
ka gaaban.
ogeysiis [m.l]
1. War la rabo in cid loo sheego.
2. ld ogeysiin. ogeysiin
waabis [m.l]
Xeelad la rabo in ugaarta la isugu keeno meel lagu hodayo, iyadoo lagu orrinayo.
laablaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax fidsanaa duudduubid. 2. Arrin aan fuliddeeda la rabin ka warwareegid. ld laallaab². laallaab
naadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax la rabo in dad badan la ogeysiiyo ku dhawaaqid. 2. Wax la rabo in la iibiyo qiimihiisa ku dhawaaqid.
eebbe [m.l]
Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne. ilaah, rabbi, guulle, waaq, madhinte, weyne
maaggan [f.g/mg4] (-naa, -nayd)
1. (f.g) Qof mid kale ku gardaroonaya ahaansho. 2. (f.mg) Qof raba in uu wax sameeyo ahaansho.
maangaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Qof wax uu rabo isaga oo aan sheegin fahmid. 2. Arrin laga hadlay dulucdeeda fahmid.
naawi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof, wax akhrin isaga oo aan rabid iyo fahmo u hayn.
r [m.dh]
(ra') Xarafka toban iyo toddobaad ee
xuruufta af soomaaliga, waana shibbane.