rahaamad
(m.dh) (-do, m.l)Hanti laga sii hayo cid wax amaahatay. ld rahan².
rahaamad
(m.dh) (-do, m.l)(dhaq.) Lacag, dahab, guri ama dhul rahan ahaan loo dhigo marka bangi ama cid kale laga qaadanayo dayn. Haddii deynqaatuhu bixin waayo lacagta uu qaatay amaah-bixiyaha waxaa, si sharci ahaan lagu wareejinayaa rahaamadda.
rahaamad
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)Cid wax amaahatay damaanad dhigid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rahaamad ↴
rahaamadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa,-dnayd)
Shay wax rahmad loo haysto ahaansho.
rahaamadasho [m.f.dh]
eeg rahaamado.
rahaamadid [m.f.dh]
eeg rahaamad³.
rahaamadnaan [m.f.dh]
eeg rahaamadan. ld rahaamadnaansho.
rahaamadnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld rahaamad-naan.
rahaamado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-atay, -adatay)
Hanti rahan ahaan u dhiibasho.
rahan [m.dh]
ld rahaamad¹.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg