rodh
(m.l) (-dhyo, m.l)(c.nafl.) Nooc ka mid ah qaabile unug oo xasaasi u ah ilayska oo laga helo retiinaha lafdhabarleyda. Rodhisku waxay ka koobanyihiin midabsidaha rodhobsiin, waxaanay muhin u yihiin wax ku aragga ilayska daciifka ah. Rodhisku si saami ah uguma qaybsana ratiinaha, sababta oo ah waxay ka maqanyihiin foofaha, waxaanay ka buu-xaan liidka ratiinaha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rodh ↴
xerodhaaf [m.l]
Neef xeradiisa ka taga oo habeenkii xero kale ku hoyda.
xerodhaaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Neef xeradiisa mooyaane xero kale ku hoyasho.
xerodhaafid [m.f.dh]
eeg xerodhaaf².
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg