roor
(m.l)

1. Orod. 2. Jirjiroole. 3. Cudur maskaxeed geela ku dhaca oo la rumaysanyahay in uu ka qaado qaniinyada jirjirroolaha.

roor
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

1. Orod samayn. 2. Cinjir, xarig iwm isku soo ururid. 3. La r.: nin naag uu guur ka rabo la baxsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh roor

haad-karoor [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
ld haad-kacarar. haad-kacarar

ibalaroor [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Geed-nagaar xajiinka u eg oo xooluhu aad u daaqaan, kuna dararaan markiiba. ld iballaroor. iballaroor

iballaroor [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
ld ibalaroor. ibalaroor

aroor [m.dh]
Waqtiga u dhexeeya marka waagu dillaaco ilaa marka qorraxdu soo baxdo. ld arooryo.

aroor [m.l]
1. ld aroorid. Doonashada nafley oommani ay meel biyo ka doonato. 2.(-rro mdh.) Dhudhub yar oo biyo dhulka ka jeexeen. 3. Sheexo. 4. A. ah: xoolo ooman oo biya doonad ah.

aroor [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Nafley biyo doonasho. 2. Nafley meel sare ka soo degid.

aroore [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(baay.) Dhuun dhiig oo dhiigga ku shubta wadnaha.

aroore-holac [m.l] (-cyo, m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka xididdada dhiigga ku cesha (aroore), sida badan waxaa lagu arkaa lugaha wuxuuna ku dhacaa aroore ballaartay oo laalaaban (varicose veins). Arooruhu xanuun badan ayuu yeelanaya waana adkaanaya maqaarka korkiisa ahna waa kululaanayaa waana casaanayaa. Xinjir xirikareysa xididdada ayaa inta badan sameysmata.

aroore-qaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(daaw.)Aroore kasta oo dhiig ka soo qaada tintaafyo dhiig oo wada shaqeeya oo toos ugu soo gudbiya tintaafyo kale oo wada shaqeeya una yaalla qayb kale oo jidhka ka mid ah, isaga oo aan ku celinayn wadnaha.

aroorhoraad [m.dh] (-ddo, m.dh)
ld arooryohoraad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg