ruqur
(m.dh) (-qro, m.l)

1. Cad yar oo hilib ah oo ku yaalla daloolka dhegta hortiisa. 2. Wax yar oo ka soo yuubo meel sulub ah.

ruqur
(m.dh) (-qro, m.l)

(bot.) Botani ahaan fuf aan qaangaadh ahayn oo isku cufan oo leh jirrid gaaban oo bixisa caleemo yar yar oo laalaaban, caleemaha dusha ee ruqurtu inta badan waa jidhif oo kale waxayna ilaalisaa caleemaha gudaha ee jilicsan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ruqur

qaabile-kiimikaad [m.l] (-layaal ..., m.l/dh)
(baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.

dareeme-kiimikaad [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
(baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.

suuris-jiilaal [m.l]
1. (bot.) Habaynta qaybaha ruqurka ubaxa, gaar ahaan laacayaasha iyo malaacayaasha. 2. (c.nafl.) Xaalad firfir-cooni la'an ah oo ay xayawaanka qaarkii gelaan xilliyada abaartu dheeraato iyo kulaylka. Waxa kale oo hoos u dhaca quudashada, neefsiga iyo dhaqdhaqaaqaya-da kale ee jidhka.

ruq [m.dh]
R. ah: neef xoolo ah oo caato la kici waayay. ld ruqo¹.

ruq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Geed wax xididdadiisu dhulka ka soo wada fuqeen noqosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg