saabuun
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-nno, m.dh)

(kiim.) Iskudhisyada naatriyam ama kaaliyam ay la sameeyaan nooc asiidhada orgaanikada ah; kuwaas oo badanaaba lagu isticmaalo in ay hagaajiso astaanta dhiqidda ee biyaha. ld saabbuun.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saabuun

aakib [m.l]
1. Ka aa. ah: faa'iidada laga rajeynayo fal lagu dhaqaaqi doono. Tus. “Samaynta Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta uu wax, wax kale ka leeyahay. Tus. “Tiro badan waxaa ka aa. ah tayo”.

saabbuun [m.dh]
Xayr iyo maadooyin kale oo la isku kariyey, adke laga dhigay oo dharka iyo jirka lagu mayrto, biyahana ku milma. ld saabuun. saabuun

naatariyam-koloraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.

saabuunayn [m.dh]
Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.

biyammacee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-ceeyay, -ceysay)
Dhar saabuun lagu dhaqay biyo saafi ah ku raacin.

maris [m.l]
1. Saabuun m. ah: saabuun adag oo dharka lagu dhaqdo. 2. Shimbir yar oo mucjisad leh; waxay si layaab leh ugu hoggaamisaa ninka herinka ah oo keliya, ugaar, habar dugaag, halaqa qaar ka mid ah, malabka shinnida iwm. Waris, buli, shimbir malab. 3. ld marin².

qasil [m.l]
1. Caleenta geedka gobka oo shiidan oo loogu qabeysto saabuun ahaan. 2. ld qasaasilid. Mayrista cuntada qaarkeed sida bariiska iwm la mayro inta aan la karin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg