saad
(m.dh)

Sii sheegidda la sii sheego wax dhici doona.

saad
(m.l)

1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.

Cali wasaad*


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Macne Dheeraad ah

Hadal aan mug iyo macno laheyn oo uu qofku dadka lafadhiya kula taaha

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saad

saaci [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Wax soo socda saadaalin.

saadaal [m.dh]
1. Astaamo iyo calaamado muujinaya wax dhici doona. 2. Malaynta wax dhici doona la maleeyo; odoros. saadaal

saadaal-cudur [m.dh]
(daaw.) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.

saadaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, isay)
Wax aan weli dhicin inay dhici doonaan sii sheegid.

saadaalin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saadaali.

saadari [m.l] (-iyo, m.dh)
Doonta labadeeda cayaari ee hore xargahooda.

saaddambe [Falkaab | Adverb]
Maalinta berri iyo saakuun u dhexeysa.

saaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xabadka. 2. Garanbiyoole.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg