saadaali
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, isay)

Wax aan weli dhicin inay dhici doonaan sii sheegid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saadaali

saaci [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Wax soo socda saadaalin.

saadaalin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saadaali.

cirboor [m.dh]
Dabayl xoog badan, boor iyo qashin sidata, socota iyadoo isku dhex wareegaysa, samada isku taluulisa oo roobaka laga saadaaliyo. ld cirwareen.

cirkayeer [m.l] (-rro, m.dh)
Shimbir habeenkii ciya oo saadaaliya roob. ld cirsankayeer.

ishaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax tilmaamid iyadoo farta lagu fiiqayo. 2. Wax saadaalin.

ishaaro [m.dh]
Saadaalinta wax aan weli dhicin la saadaaliyo.

lafilaan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
L. ah: wax la saadaalin karo.

milshi [Magac Lab | Noun Masculine]
Wax dhici doona waqti soo socda oo la sii saadaaliyo.

milshi [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Wax waqti soo socda dhici doona saadaalin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg