saafi
(m.l)

1. S. ah: wax nadiif ah oo aan wasaqi ku jirin. Tus. “ Cali wuxuu keenay malab saafi ah”. 2. Saafinnimo. 3. Nooc kalluunka ka mid ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saafi

caadla'aan [m.dh]
1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah. caddaan, xaqiiqo

saaf [m.l]
1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey. 2. ld saafid.

saafid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saaf². ld saaf¹ (2). saafid

saafid-tireed [m.dh]
1. (xis.) Barashada habab xisaabin ee leh seebid. 2. (xis.) Barashada tabaha seebidda ee loo isticmaalo aritmatig marka la furfurayo mas'alooyin xisaabeed.

saafinnimo [m.dh]
Saafi ahaansho.

saafir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Meel safar u aadid.

saafirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saafir.

saafid-kolorimitrieed [m.dh]
(fiis.) Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.

tabaashiir [m.l]
(jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.

saa [Falkaab | Adverb]
1. Armaa, billaa, sow. 2. Sida tan.

saa [Xiriiriye | Conjunction]
1. Markaas; haddaba. 2. Maxaa-yeelay, waxay kunoqotay, sabab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg