saaxiib
(m.l) (-bbo, m.dh)

Nin xiriir gacaltooyo qof kale la leh; wadey.

saaxiib
(m.dh) (-bbo, m.dh)

Naag xiriir gacaltooyo qof kale la leh; saaxiibad.

saaxiib
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bay, -btay)

La s.: cid xiriir gacaltooyo la yeelasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saaxiib ↴

jaal [m.l] (-lal, m.l)
1. Saaxiib dhab ah; rafiiq; waday. 2. Koox tartan ciyaareed ku wada jira qof ka mid ah.

saaxiibad [m.dh] (-do, m.l)
Gabar xiriir gacaltooyo lala leeyahay.

saaxiibid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saaxiib³.

saaxiibnimo [m.dh]
Saaxiib ahaansho. ld saaxiibtinnimo.

saaxiibtinnimo [m.dh]
ld saaxiibnimo.

xabiib [m.l] (-bbo, m.dh)
Qof gacal ah ama saaxiib lillaahi ah.

dabaxiro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Ku d.: cid, cid kale wax ay caadeystay kula saaxiibid.

saaxi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
S. ah: qof maskaxdiisu tamaam tahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg