soddoh
(m.dh) (-hyo, m.dh)

1. Haweeney gabadha ay dhashay ninka qaba waxa ay u tahay ama haweeney wiilka ay dhashay gabadha uu qabo waxa ay u tahay. 2. Haweeney gabadh leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soddoh

bariido [m.dh]
1. Casho baartay oo maalintii xigtay gaartay. 2. Salaanta kolka waagu beryo. 3. Hanti laga bixiyo gabar guur laga doonayo oo la siiyo soddohda. 4. ld bariidin.

soddohnimo [m.dh]
Soddoh ahaansho.

soddoho [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dabayl weyn, qashin iyo boor badan oo cirka isku sha-reerta.

soddohoobid [m.f.dh]
eeg soddohow.

soddohow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
soddoh noqosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg